Ciidan ka mid ah ATMIS ee Uganda oo wajahaya Maxkamad + Sababta

Ciidan ka mid ah ATMIS ee Uganda oo wajahaya Maxkamad + Sababta

Kampala (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Uganda oo qayb  ka ah howlgalka ATMIS ayaa xabsiga la dhigay sabab la xiriirta dagaalkii khasaaraha badan gaarsiiyay ciidanka ee ka dhacay degnada Buulamareer ee Shabeellaha hoose.

War ka soo baxay Dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in la ciqaabi doono saraakiisha Uganda dayaca  weerarkaas iyo khasaaraha ciidanka soo gaaray oo sabab u ah saraakiisha.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa  sheegay in labo taliye oo katirsan Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Labadan taliye oo magacyadooda lagu sheegay Maj Oluka iyo Maj Obbo, ayuu madaxweynaha Uganda sheegay, inay ku amreen askarta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarka ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda

Leave a Reply

Your email address will not be published.