R/W Xamza oo u dhoofay Mareykanka muxuu yahay jeedka ?

R/W Xamza oo u dhoofay  Mareykanka muxuu yahay jeedka ?

New York Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona waxa Soomaaliya uga qabsoomay ahdaafta dhinaca horumarka ee Caalamku degsaday gaar ahaan dhimista Faqriga, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Nabadda iyo Amniga, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga oo xooggan iyo isbeddelka cimillada.

Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegi doonaa in Soomaaliya ay ku taagan tahay jidkii dib u soo kabashada, isla markaana ay dooneyso in laga taageero dib u dhiska dalka, gaar ahaan ciidamada qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka iyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada dheer saarneyd.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kulamo kula yeelan doonaa Xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxda Dowladda Mareykanka iyo Qaar ka mid ah Madaxda wufuudda kale ee Caalamiga ah ee ka qaybgalaysa shirka Q.M.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda ee dowladdu ay ku tallaabsatay mudadii sanadka ahaa ee ay jirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.