Ra’iisulwasaraha awoodiisa la dhimay oo u hanjabay dadka diidan Dastuurka.

Ra’iisulwasaraha awoodiisa la dhimay oo u hanjabay dadka diidan Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ay jiraan siyaasiin badan oo Somaaliyeed kuwaas oo diidan wax ka bedelka Dastuurka.

Xamse waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin in la  hor istaago go’aanada ay gaaraan Hay’adaha Dastuuriga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa uu weerar afka ah ku qaaday madaxda , siyaasiinta iyo qaybaha bulshada ee diidan wax ka bedelka Dastuurka ee dhaliilsan   habka ay wax u maamulayaan hoggaanka dowladda Soomaaliya.

‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sheegay RW Xamse Barre.

RW Xams ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran badan uu ka taagan  – yahay habka loo maray meel marinta afar ka mid ah cutubyada Dastuurka KMG ah ee dalka , taas oo laga digayo dhibaatada ka dhalan karta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.