Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo shir guddoomiyay kulan muhiim u ah dalka

Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo shir guddoomiyay kulan muhiim u ah dalka

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen hoggaanka tiirarka ee xukuumadda, kuwaas oo ka shirayay hannaanka dowlnimada casriga ah.

Xamsa Barrre, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu hormuud u yahay isbaddelka hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha adag ee ku hor gedaaman hannaanka iyo dowladnimada casriga ah.

Ra’isulwasaaraha oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in uu ku boorinayo hoggaanka tiirarka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha qeeybta ka ah, isbaddelka iyo horumarka dalka.

Xamsa, ayaa sheegay in jiheeynta dowladnimada casriga ah, tiirarka ay laf-dhabar u yihiin xukuumaddiisa Dan Qaran, si loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, adeegyo noloshooda wax ka baddelaya.

Dhowaan ayay dalka dib ugu soo laabteen 30 qof kuwaas oo dalka Maleysiya, tababar ku saabsan hannaanka iyo jiheeynta dowladnimada casriga kusoo qaatay dalkaasi, si bulshada Soomaaliyeed looga faa’iideeyo.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa, ayaa sheegay in dalka uu soo maray bur bur xooggan islamarkaana 30 kaas sano adduunka uu u tallaabsaday horumar baaxad weeyn.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Soomaaliya, ayaa inkabadan 30 sanno, cagta saartay waddadii ugu xumeeyd ee abid bur bur xooggan oo aan horey uga dhicin dalalka kale ee adduunka, halka ay aas aas meen, kooxo xagjirro ah, kuwaas oo xiriir toos ah, la leh Al-Qaacida, sida Al-Shabaab, iyo ISIS.

Al-Shabaab, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo malleeshiyo qabaa’ilo la dagaallameen, halka dagaalladaasi qaarkood ay weli socdaan walow ay jiraan dhul badan oo weli ay maamulaan ku dhowaan 17 sanno.

Soomaaliya, ayaa dhowaan Golaha Qaramada Midoobay, ka qaatay cuna-qabteeyntii hubka taas oo saarneeyd 31 sanno oo xiriir ah, marka uu galay dalka xaalad hubanti la’aan ah, 1992-kii.