Rasaas lagu  ku kala eryay  dibadbaxyaal ka caraysay dil  ka dhacay Muqdisho.

Rasaas lagu  ku kala eryay  dibadbaxyaal ka caraysay dil  ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku kala eryay dad shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay isgoyska Banaadir.

Xiisadaan ayaa daba socota dil ciidanka dowladda ay u geysteen qof shacab ah oo aan weli la aasin.

Ehelada marxuumka geeriyooday ayaa sheegay in aysan aasidoonin inta ay cadaalad ka helayaan.


Waddooyin ka mid ah ayaa maalintii labaad waxaa ka socda dad diidan amar  la sheegay in lagu rarayo qoysas degan xaafadaha Saybiyaano ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa xirtay maanta markale waddooy muhiim ah oo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Banaadir halkaas oo ay ku muujinayeen sida ay u diidan yihiin in laga salkiciyo dhulka hadda ay degan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.