Roobow oo kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga

Roobow oo kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga

Riyad (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, ee Soomaaliya iyo Sucuudiga sida ay ugu adeegi lahaayeen in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.

Sidoo kale Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku ammaanay dadaalka ay ku bixisay hagaajinta xajka isaga oo ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan sidii loo sii hor Mari lahaa.

Mukhtaar oo uu wehliyo Madaxa xafiiska arrimaha xajka ee wasaaradda Xaaji Daahir, ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay Bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Milyan oo qof.

“Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay intaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqti dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Mukhtaar Roobow, uu u joogo arrimaha xajka iyo xujayda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah iyagana xujayda sannadkaan gudaneysa waajibaadka xajka.

Soomaaliya, ayaa inta badan caqabad xooggan ka jirtaa Arrimaha Xajka, oo mararka qaar la musuq maasuqaa lacagaha xujeyda taas oo ah, lacago aad u badan oo xujeyda Soomaaliyeed, ku dhibban yihiin inkastoo ay u sii dheertahay, jiif xumo iyo gaadiid xumo.