WARBIXIN | Amaan darrida Muqdisho & Qayla dhaanta madaxda Dowladda .

WARBIXIN | Amaan darrida Muqdisho & Qayla dhaanta madaxda Dowladda .

Muqdisho (Raxanreeb ) Dagaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socda gobolada qaar ee dalka ayaa sadaal ka bixinaya  in kooxda Al- Shabaab weeraro ay ka gaysan karaan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Digniino arintan ku saabsan ayaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay , waxa ay ciidankuna ay kordhiyeen howlgalada ay ku doonayaan in ay ku  bartaraan amniga caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay ku jiraa xaalad go’doon ah oo dhanka amniga ah taas oo keentay walwalka laga  qabi karo amniga caasimmadda.

Guddoomiye Yuusu Jimcaalle Madaalle ayaa sheegay in tani sida keliya ee looga bixi karo ay tahay in shacabka ay la yimaadaan qorshe cad oo ay kula shaqeeyaan laamaha amniga ee Dowladda.

Nabadoon Abaabul oo isagana ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka warhayaan in Shabaabka culayska ka soo fuulay goobaha dagaalada ay ka dhacayaan ay yimaadan caasimada si buu yiri ay u abuuraan qalqal amiga.

‘’waa in Dowladda ay il gaar ah ku haysaa amniga caasimadda waxaa suurtgal ah in shabaabkii laga soo saaray gobolada dagaalada ay ka jiraan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay u abuuraan falal amni darro.

Waxa  uu tusaale u soo qaatay , weerarkii Al- Shabaab kol hore ay ka gaysteen Vila Rose oo  uu sheegay in ay ku dhacday dayac ay sameeyeen ciidanka  Dowladda Federaalka Soomaaliya.

‘’ Daqliga Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sabab la xiriirta go’adoonka iyo amni –darrada ay galiyeen kooxda Al- Shabaab daqliga Dowladda ‘’ ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Muqdisho Yuusuf  Xuseen Jimcaale .

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana  sheegay in laamaha amniga ay ka qayb qaataan falal amni darri isla markaana ay soo gudbiyaan qaraxyada kooxda Al-Shabaab ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Si – kastaba hadalada iyo dhawaqa ka soo yeeraya madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku keenay shacabka caasimadda culays xaga amniga ah inkastoo Dowladda ay ay sheegto in wax badan ay ka qaban doonaan dhibaatooyinka kooxdu ay ka gaysato inta badan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.