Ruushka oo ciidamadiisa kala baxay magaalo istiraatiiji ah

Kyiv (Raxanreeb) — Moscow ayaa amar ku bixisay in ciidamadeedu ka baxaan meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee koofurta Ukraine ee Kherson, taasoo ku timid guuldarro soo gaartay, iyadoo Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka uu ku qiyaasay in khasaaraha Ruushka ee dhimasho iyo dhaawac uu ka badan yahay 100,000 oo tan iyo markii uu deriskooda weeraray bishii Febraayo.

Wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamada Ruushku ay ka baxayaan daanta galbeed ee wabiga Dnipro ee u dhow Kherson taas oo noqon karta goob dagaal.

Ukraine ayaa si taxadar leh uga jawaabtay ka bixitaanka ciidanka Ruushka, iyadoo xustay in qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ay ku hareen Kherson, isla markaana gurmad loo dirayo gobolka.

“Waa ay ka baxayaan laakiin maaha ilaa xadka ay taasi dhici lahayd haddii ay tahay gebi ahaanba ka bixitaan ama dib u gurasho,” ayuu yiri Oleksiy Arestovych, oo ah la taliyaha madaxweyne Volodymyr Zelenskiy.

“Ciidamada Ruushka ayaa burburinayay buundooyinka markii ay baxayeen, waxaana ay qodayeen waddooyinka” ayuu yiri Arestovych.

Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa Arbacadii ku qiyaasay in militariga Ruushka ay soo gaareen in ka badan 100,000 oo askartooda ah oo la dilay ama la dhaawacay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Kyiv “ay u badan tahay” inay soo gaareen khasaare la mid ah heerkaas.

Ilaa 40,000 oo rayid ah oo Ukraine ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la dilay, sida uu sheegay General Mark Milley.

Qiyaasaha si madax-banaan uma xaqiijin tiradan wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warkan.

General Mark Milley, oo la hadlayay Naadiga Dhaqaalaha ee New York, ma uusan sheegin sida uu u xisaabiyay qiyaasahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.