Diyaaraha aan duuliyaha lahayn oo duqeeyay saldhigyo ay ku sugnayeen Al- Shabaab.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn oo duqeeyay saldhigyo ay ku sugnayeen Al- Shabaab.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo waranayaa in duqeyn ay ka gaysteen deegaano ka mid ah gobolka galgaduud.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay ka dhaceen deegaano ku dhaw dhaw Wabxo  iyo Qaayib halkaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al- Shabaab.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare ka dhashay duqeymahan oo la sheegay in ay ka qayb qaadanayeen diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqeymahan kaalin ay ka qaateen jabinta kooxda Al- Shabaab.

Meelo badan oo dalka ah waxaa marar badan duqeymo xaga cirka ah ka fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo la sheegay in khasaare ay u gaysteen kooxda Al- Shabaab.

Si kasta gobolada galgaduud iyo Hiiraan waxaa ka soconaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab oo looga itaal roonaaday deegaano badan oo ka mid ah gobolkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.