RW Xamsa oo kulan xasaasi ah la yeeshay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

RW Xamsa oo kulan xasaasi ah la yeeshay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Qaahira (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ku sugan dalka Masar, ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay tallaabooyinkii ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.