Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in wax laga xumaado ay tahay gumaadka Al- Shabaab ay ku – hayaan dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Hiiraan.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay dhibaatadii Al- Shabaab ay ka gaysteen gobolka Hiiraan isla markaana uu ka tacsiyaynayo dadkii sida xaq-darra ah lagu dilay.
”Waxaan ugu hambalyaynaa beelaha Soomaaliyeed sida ay u hajuumeen kooxda Al- Shabaab , iyaga oo kaashanaya ciidanka Qalabka sida, Dowladda waa idin garab taagan tahay wayna idin garab istaagnaan doonto waxaad aragteen maanta in ciidanka ay qaadeen howlgal ka dhan ah kooxda ” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Waxa uu sheegay Xamse in aan loo baahnayn daliil kale isla markaana aanu garin karin sababta loo dagaalami la’a yahay waa ay bilaabatay guusha ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in dalka xor ahayn loona baahan yahay in la iskaga kaashato in dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga dulqaado kooxaha u taagan dhibaataynta.
Hadalkan ayaa Maanta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ka sheegay kulan looga hadlayay qorshaha haweenka ee nabada iyo amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Leave a Reply