RW XAMSE oo diyaar u ah wada- hadal uu la galo Al- Shabaab.

RW XAMSE oo diyaar u ah wada- hadal uu la galo Al- Shabaab.

Muqdisho (Raxanreeb )  Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in Dowladda diyaar ay u tahay in wada- hadal ay la gasho sida uu sheegay kooxaha argagaxisada.

Xamse waxa uu sheegay in wada- hadalkaas ay ku xirayso dhanka Dowladda in marka hore kooxahaas oo ay Al- Shabaab ku jirto ay joojiyaan dilalka iyo weerarada qaraxyada ah ee ay ka gaysanayaan gudaha Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha waxa uus oo hadal qaaday in weerarada ay gaystaan kooxda Al- Shabaab ay ku nafwaayeen dad aad u  fara badan oo aan waxba galabsan sidaas darteeda ay aad ugu xun yihiin ficilada aan wanaagsanayn.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa sheegay  in Dagaalka kaliya uusan  xal  ahayn isaga oo sheegay  raadineynaa nabad, balse xalka ugu dambeeyain  wuxuu noqon doonaa wadahadal  waa haddii ay ka tanaasulaan fikirka Xagjirnimada.

Waa Markii Uu horreesay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre u  shaaciyo in Xukuumadiisa ay wadahadal ay la galeyso Alshabaab  balse uu sharuud uu ku xiray wadahadalkaas.

Al- Shabaab ayaa  muddo dheer waxa ay dagaal ay kala soo horjeedaa Dowladda Soomaaliya oo ay u aragto  mid aan ku dhaqmayn diinta Islaamka waxaana marar badan ay fuliyeen qaraxyo dad badan ay ku dhinteen .

Leave a Reply

Your email address will not be published.