RW Xamse oo lagu eedeeyay xildhibaano lagu afduubtay Nairobi , Kenya.

RW Xamse oo lagu eedeeyay xildhibaano lagu afduubtay Nairobi , Kenya.

Nairobi (Raxanreeb )- Sirdoonka Kenya ayaa la sheegayaa in labadaan Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ay ka kaxeysteen Hotel ku yaalla magaalada Nairobi.

Xildhibaanada oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Nuur iyo Axmed Kooshin ayaa ka soo kala jeeda KGS iyo Somaliland waxayna kamid yihiin mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh. Lama yaqaan halka ay ciidmadu la aadeen iyo sababta loo kaxaystay.

Ilo wareed ku sugan Nairobi ayaa xaqiijiyay in labada xildhibaan ay qeyb ka ahaayeen mooshin xil ka tuuris ah oo ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaasoo si xawli ah uga socda Nairobi.

Warar ayaa sheegayaa in labada xildhibaan su’aalo laga weydiiyay mooshinka socda iyo magacyada dadka ku lugta leh kahor intaan la iska soo fasixin.

Intaasi kadib waxaa lasoo wariyay in labada xildhibaan lasii daayay oo ay dib u heleen xoriyaddooda, laakiin ragga watay iskuma sheegin waxa ay ahaayeen iyo ujeedkooda.

Su’aalaha wax laga waydiiyay ayaa ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda federaalka, ayna ku howlan yihiin abaabulka mooshin, sida ay ku warrameen ilo xog ogaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.