SAADAAL : Bariga dhexe oo laga cabsi qabo inuu holco.

SAADAAL : Bariga dhexe oo laga cabsi qabo inuu holco.

Gaza (Raxanreeb )- Dagaalka Israel ay ka wado Gaza, waxaa hadda ku soo biirtay Iiran oo dhawaan duqeyn loo geystay qunsiliyadeeda Dimishiq Suuriya looga dilay 7 xubnood oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan, weerarkaas kadib xukuumadda Iiran waxa ay wacad ku martay in ay ka bixin doonto jawaab culus.

Haddaba, jawaabta Tehraan oo maalmahanba laga warsugayay lagana cabsanayay waxa ay noqon karto, waana tan xaley iyo shaley jawaabihii ugu horreeyay la arkey.

Illaa xaley in ka badan 300 oo gantaal oo ka yimid Iiran oo ah nooca balaastigga ayaa soo galay hawada Israel.

Israel dhankeeda waxa ay sheegtay in ay ka hortegtay 99% weerarada Iiran ka yimad, balse weli khatar iyo cabsi ay jirto.

Dhowr waddan oo gobolka biriga dhexe ku yaalla, oo ay ku jiraan Lubnaan, Ciraaq, iyo Urdun, ayaa ku dhawaaqay in ay xireen hawada dalalkooda ayna joojin doonaan duullimaadyada rayidka ah, maadama laga cabsi qabo weeraro ay soo qaaddo Israel.

Sida ay lee yihiin fallanqeeyayaasha dunidda, dagaalka bariga dhexe hadda ayuu si rasmi ah u billowday, waxaana laga cabsi qabaa in kalkan Israel loo yaabo waxa ka dhaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published.