Saameyn ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle

Saameyn ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle

Jowhar (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe aya sheegay in wabiga Shabeelle uu ku Fatahay in ka badan 72 tuullo  oo bari kaga began Degmada Jowhar.

Fatahaadda wabiga ayaa saameyn ku yeeshay deegaanka Balcaano ay hoostagaan72 tuullo ,waxaana halkaasi ku baaba’ay dhulbeereed aad u ballaaran oo ay adeegsan jireen dadka danyarta ah ee ku sugan tuulooyimkaasi.

Qoysas badan ayaa ku barakacay fatahaadaasi oo ay kormeer ku sameeyeen Wasiir ku cigeenka wasaaradda gargaarka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Meyre Axmed Makaraan iyo Guddomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxmed Muqtaar.

Mas’uuliyiintaasi,waxa ay dadkii ku barakacay tuulooyinkaasi la wadaageen xanuunka ka dhashay fatahaadda wabiga oo saameeyay dhulbeered baaxad leh.

Qaar kamid ah dadkii ku barakacay fatahaadda ayaa codsaday in lala soo gaaro gurmad biniaadanimo oo wax ka tara dhibaatooyinka heysta qoysaskaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.