Sababaha dheereeyay safarka MD Xasan ee Puntland & Natiijo la’aanta shirarkii Garoowe.

Sababaha dheereeyay safarka MD Xasan  ee Puntland & Natiijo la’aanta shirarkii Garoowe.

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshaha safarkiisa ahaa laba maalin ayaa qaatay afar maalin , taas sabab ah miisaanka cabashada Puntland ay ka qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni oo yeeshay kulan gaar ah oo dibad joog ay ka ahaayeen xubnaha la socday ayay yeesheen labada dhinac , in kastoo wax xal rasmi ah oo muuqda laga gaarin khilaafkii jiray.

Labada bar ee Villa Somalia iyo Puntland ayaa lagu daabacay qoraal koobaan oo aan faahfaahin badan ka bixin qodobo la taaban karo oo la isku afgartay oo lagu qanci karo , taas oo muujinaysa heerka khilaaf ee Dowladda Dhexe iyo Puntland.

Kulamada oo la isku mari waayay seddax maalin oo xiriir ah ayaa la arkayay , Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo samaynaya xooga dhaq dhaqaaq ah si loo muujiyo in ay jirto isku soo dhawaansho.

Ilo xog- ogaal ah oo ku sugan Puntland ayaa ku waramay in labada masuul wali si hufan isku raacin in uu dhamaaday , muranka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo u muuqda wali in ay u baahan kulamo kale oo dheeraad ah.

Jiritaanka xoogiisa khilaafka Dowladda Fedeealka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa laga dareemi karayay hab maamuskii loo soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe ayaa ka duwanaa socdaaladii uu horey ugu kala bixiyey Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana sababta lagu qeexay mad-madowga iyo shakiga soo kala dhex-galay labada dhinac, kadib soo dhisidii xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha maamul – goboleedka Puntland Saciid Cabdulllaahi Deni oo ka mid ahaa musharraxiintii madaxtinimada ayaa tanasuulkii uu sameeyay ka dib loolankii aadkaa ee doorashada loo balan qaaday , xilka Ra’iisulwasaarnimo , taas oo markii dambe noqotay mid ma dhalays ah , keentayna kala fogaanshaha labada dhinac.

Way adkaan doontaa ayaa la leeyahay in si fudud Puntland ay ugu noqdo hal safar oo Madaxwaynaha Dowladda Federaalka uu ku tagay Maamulka Puntland , waxaana loo baahnaa doonaa isku dayo kale oo lagu qanciyo Puntland oo tabashooyin hore-na ka qabtay Dowladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya magaalada Muqdisho , iyadoo uusan ka soo gaarin safarkiisa Garoowe , natiijo la taaban karo oo xal u noqon karta ubucda khilaafka labada dhinac

Leave a Reply

Your email address will not be published.