Nairobi ( Raxanreeb ) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya , waxaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan shirar siyaasadeed ka dhan ah Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni
Siyaasiin aad u mucaaradsan hannaanka uu wax u wado Madaxwayne Saciid Deni ayaa sacadihii la soo dhaafay ka waday Kenya kulamo ka dhan ah Saciid Deni oo la sheegayo inuu isku dayi doono wax ku saabsan muddo kordhin.
Xubnaha magaalada Nairobi ku kulmay waxaa ka mid ah , Maxamuud Shiddo oo ka mid ah kooxdii Aaranjaan ee dhowaan ay kala furteen Madaxweyne Deni iyo Jen. Asad Cusmaan Diyano oo aad u mucaaradsan Saciid Deni .
Xubnahan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda inuu mudda kororsi samaysto Madaxweynaha Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay horaanka sanadka 2024.
Si kasta Madaxwaynaha Puntland ayaa wajahaya markaan dabaylo siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiinta gudaha iyo dibadda kuwaas oo isha ku haya xaaladda siyaasadeed ee deegaanada maamulka Puntland.
Warar soo baxaya ayaa dhanka kale sheegaya in Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni dhankiisa ku sii jeedo magaalada Nairobi halkaas oo ay ku sugan yihiin siyaasiinta ka soo horjeeda maamulkaas , lamana oga ujeedka xilligan ee safarka Dani ee Nairobi.
Leave a Reply