MD Xasan Sheekh oo qiil u yeelay safarada tirada badan ee uu ku aadayo Caalamka.

MD Xasan Sheekh oo qiil u yeelay safarada tirada badan ee uu ku aadayo Caalamka.

Muqdisho ( Raxanreeb )Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale safar kale ugu ambabaxay dalka dibadiisa , gaar ahaan dalka Aljeeriya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka dhaliila siyaasadiisa waxa ay ku dhaliileen maanta in safar uu galay ,iyadoo wali ay muuqanayso raadadka masiibadii Soobe labo oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo yaalla isbitaalada magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxwaynaha ayaa ah ka qayb- galka Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta halkaas oo ay ku sugan yihiin madax kala duwan oo ku jira Jaamacadda Carabta.


Inta uu socdo shirkan ee uu ka qayb galayo Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada dhibaatooyinka , Isbaddelka Cimilada, Sare u kaca Maciishadda iyo saameynta taban ee dagaallada iyo cudurada faafa ku reebeen waddamada Ururkaan ku mideysan.

Madaxwaynaha oo ka warhaya dhaliilaha safaradiisa ayaa  goor sii horeysay sheegay in sababaha ugu wayn ay tahay dhisida kalsoonida Caalamka iyo Soomaaliya.

” Safarada aan aadayno dhammaan waxaa ku xiran dan Soomaaliyeed ee ma ah dalxiis waxaan ku xalinaynaa boogo jiro ” ayuu yiri Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.