Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo dacwad ka dhan ah ilaalada Xamsa Barre iyo Laftagareen u gudbisay Wasiir Haruuse

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo dacwad ka dhan ah ilaalada Xamsa Barre iyo Laftagareen u gudbisay Wasiir Haruuse

Muqdisho (Raxanreeb) — Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqad eedeyn ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ay ku eedeeyeen illaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Askarta illaalada dhow ayaa lagu eedeeyay in ay si xun ula dhaqmeen Kooxda Ammaanka Safaaradda Mareykanka intii lagu guda jiray Munaasabaddii Sagootinta ee Safiirka xilka ka degaya taasi oo la qabtey May 17, 2023-ka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa looga codsaday Wasiirka Arrimaha dibadda, iyada oo qoraalka ka soo baxay Safaaradda lagu yiri, “Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed…waxay bahdileen xubno kamid ah kooxdeenna ammaanka qaabilsan.”

Warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay, “in ilaalada labada mas’uul; Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ay hub ula soo baxeen, una gacan qaadeen saddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda.”

Eedeynta ay Safaaradda Mareykanka u jeedisay Illaalada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayna u marsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa wali wax warcelin ah laga helin.