Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba- gabeeyay shirka madasha wadatashiga Qaran kaas oo laga soo saaray qodobo dhawr ah
Shirka madasha ayaa ahaa mid ka jiray khilaaf la xiriiray arrimaha doorashooyinka Dowlad goboleedka Puntland oo la isku mari waysanaa in loo hambalyeeyo doorashada dadka deegaanka ee maamulkaas.
Madasha Qaran ee Puntland ay ka maqan- tahay ayaa isku raacay qodobo ku saabsan dagaalka Al- Shabaab , dayn cafinta & doorashooyinka dalka ka dhacaya ee Heer Federaal & heer maamul goboleed.
Xubnaha ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.
Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran
Doorashada Dowladaha Hoose waxaa loo asteeyay in la qabto 30ka June 2024, Doorashada Golaha Wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay dhici doontaa 30ka November 2024, halka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Dowlad-Goboleedyada la dooran doonno 30ka November 2024.
Haweenka qoondadooda ay ku leeyihiin kuraasta la dooranayo ayuu Golaha Wadatashiga Qaranka ka gaaray in lagu maamulo heshiis ah oo aan la faah-faahin sida uu noqon doonno & qaabka loo maamulayo.
Gobolka Banaadir sida laga yeelayo oo lagu xusay warmurtiyeedka Kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu sheegay in Degmooyinka Caasimadda ay yeelanayaan Goleyaal deegaan oo la dooranayo 30ka June 2024.
Leave a Reply