Safarka MW Xasan  ee Galmudug : Dhoolatus dagaal ama isbedel ciidan ?.

Safarka MW Xasan  ee Galmudug : Dhoolatus dagaal ama isbedel ciidan ?.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay deegaanada maamulka Galmudug ka dib markii uu hakad galay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Madaxwaynaha ayaa la sheegay in ujeedka ugu wayn ee Galgaduud ay tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dagaalka  , ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Saraakiisha  Ciidanka Dowladda Federaalka  ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ku howlanaayeen abaabulka soo dhawaynta wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud ee tagaya qaar kamid ah Magaalooyinkii ‘AS’ horay looga qabsaday.

Sida ay  xaqiijiyeen ilo kala duwan warbaahinta , wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qorshuhu yahay in ay tagaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud & Mudug .

Safarka Madaxwaynaha ee Galmudug ayaa imaanaya , iyadoo fashil uu ku dhamaaday wajiga labaad ee howgalka ciidanka Dowladda ay ku doonayeen inay kaga adkaadan kooxda Al- Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suuurtagal ay tahay in madaxwaynaha Soomaaliya uu isbedel ku sameeyo hoggaanka ciidanka ee Galmudug ka dib markii u hakad ku  yimid dagaalka ka dhanka ah AS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.