Taliyaha Qaybta Booliska Birmadka Gobolka Shabeellaha Hoose, G/le Dhexe Hussein Baargeele Maxamed, iyo saraakiil kale ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Sector One ee AUSSOM, General Jackson Kayanja, iyo mas’uuliyiin ka tirsan AUSSOM.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Gobolka Shabeellaha Hoose, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, dardargelinta howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo kor u qaadista tababarrada ciidanka Booliska Birmadka.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga joogtada ah si loo xoojiyo amniga loona horumariyo tayada iyo awoodda ciidamada ka howlgala gobolka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, laga fuliyay deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobolka oo markii hore ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Leave a Reply