Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Finish ayaa sheegay in maalin uun la bedeli doono dhamaan maamulka gobolka Banaadir ee hadda jooga.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in ay ka war hayaan in la bedeli doono maamulkiisa hase ahaatee uusan ogayn waqtiga iyo maalinta.
”Anaga maamulka hadda jooga waa la bedelayaa waan ka war hayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Hadalkan ayaa Gudoomiyaha ka sheegay munaasabad uu seddax sanno ka dib uu ku soo bandhigayay waxa uu ka qabtay magaalada Muqdisho oo uu ka yahay duqa caasimadda.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay war ku saabsan in uu jiro isbedel xoog badan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku samaynayo maamulka gobolka Banaadir.
Hadalkan ayaa xoogiisa waxa uu soo baxay markii dhawaan shirkii Golaha amniga Qaranka laga dhax waayay , Guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish.
Dowladii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo Guddoomiye Cumar Finish ayaa si aad ah uga soo dhax muuqan jiray shirka Golaha amniga Qaranka , hase ahaatee waxaa muuqanaysa in dowladan hoos ay u dhigay kaalintii Duqa Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply