Sawirro: goobo shidaal lagu iibiyo oo Dab ka kacay Kismaayo

Sawirro: goobo shidaal lagu iibiyo oo Dab ka kacay Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb) — Dab ka kacay goobo shidaalka lagu iibiyo Fiidnimadii xalay oo Talaado ahayd abbaarro tobankii iyo soddon daqiiqo ayuu dab ka kacay qayb kamid ah suuqa magaalada Kismaayo, dabka oo geystay khasaare hantiyeed ayaa ka kacay suuqa qaybta lagu iibiyo shidaalka, wuxuuna bur buriyay shan bakhaar oo ay ku kaydsanaayeen shidaal iyo qaybaha kala duwan ee bagaashka.

ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan goobtaasi.

Ciidanka dab demiska Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si hagar la’aan ah uga qayb qaatay deminta dabkaan oo haddii aan la xakameyn geysan lahaa khasaare ballaaran.

Dad goobjoogayaal ah ayaa noo sheegay in dambku ka dhashay shoor uu kiciyey matoor yar oo ah nooca loo isticmaalo bambaynta shidaalka xilliga lagu shubayo fuustooyinka.

Xuquuqda Sawirrada Jubbaland Tv

Leave a Reply

Your email address will not be published.