Cabsi Amni oo laga sheegay Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) DIGNIIN amni ayaa loo diray shaqaallaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho sababa la xariira cabsi Laga qabo in kooxda Al- Shabaab weeraro ka gaysato Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ayaa lagu sheegay in ay soo gaartay xog muujineysa in Al Shabaab qorsheenayaan weerar ay ka geestaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dhamaan shaqaalaha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo la xiriirta suurtagalnimada in kooxda Al Shabaab weeraro ay ka fuliso Garoonka.

Al- Shabaab ayaa la aaminsan yahay in mar haddii culays uu ka soo fuulay gobolada dalka weeraro ay ka fulin karaan gudaha magaalooyinka qaar oo aad loo hadal hayo caasimadda dalka.

Kooxda Al- Shabaab ayaa maalin ka hor weerar ka gaystay magaalada Beledwayne kuwaas oo ay u adeegsadeen gawaarida kuwa xamuulka qaada oo ay gudaha u galiyeen xerada lama galaay oo ah goob muhiim u ah maamulka Hirshabeelle.

HOOS KA AKHRISO :

Leave a Reply

Your email address will not be published.