Sawirro: Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal oo 15-sano kaddib dib loo furay

Sawirro: Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal oo 15-sano kaddib dib loo furay

Muqdisho (Raxanreeb) — Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 15-sano kaddib dib loo furay, maamulka Degmadaas, Shacabka & howlwadeennada Caafimaadka ayaa si wadajir ah uga hadlay muhiimadda uu u leeyahay Isbitaalkani.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee adeegga Caafimaad u tegay Isbitaalka Degmada ayaa sheegay in dhibaatooyin xooggan ay qabeen 15-kii sano u dambeesay, adeegga caafimaad ay u baahdaana ay u aadayeen Muqdisho & Jowhar oo masaafo ahaan ka fog.

Isbitaalka waxaa adeeg Caafimaad ka helaya Dadka ku nool tuulooyinka iyo deegaannada ka fog Degmadaasi.

Mid kamid ah Bukaannada fursadda u helay in lagu daweeyo Isbitaalka ayaa sheegay in uu ka yimid deegaan 35 KM u jira dhanka Degmada Aadan Yabaal, waxa uu tilmaamay in safar dheer u geli jireen Magaalada Muqdisho.

“Waxa aan ka imid meel 35 KM u jirta dhanka Bari ee Degmada Aadan Yabaal, daawadaan maanta la isiiyay halkii xabo waxaa la iga siin jiray $4 ama $5 oo waxaa ii dheeraa safarka gaariga aan raacay, waan u mahadcelinayaa Dowladda oo inoo hirgelisay Isbitaalka” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka adeegga caafimaad ka helay Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal.

Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa guul ku tilmaamay dib u howlgelinta Isbitaalka guud ee Degmadaas, waxa uu sheegay in Haweenka ay qaarkood dhiig-bax u dhiman jireen inta aan la gaarsiin goobaha Caafimaadka oo aad uga fogaa.

“Xamar oo kale, Jowhar oo kale ayaa loo qaadi jiray Haweenka uurka leh ee dhali waayay & dhaawacyada culus, niman Khawaariij ah ayaa ku sugnaa oo horay u kac malahayn Degmada Aadan Yabaal, Dadweynaha aad iyo aad ayaa loogu daweeyaa, waxaana ku socda dib u dhis lagu kordhinayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Aadan Yabaal.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya malleeshiyada Macawiisleyda ayaa 6dii December 2022 waxa ay qabsadeen Degmada Aadan Yabaal oo 15-sano ay maamulayeen Al-Shabaab Degmadan waxa ay Muqdisho u jirtaa 245 km Dhanka Waqooyi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26kii Maarso 2023 waxa uu booqasho ku tegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.