WARCUSUB : Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay duleedka Kismaayo

WARCUSUB : Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Kismaayo ( Raxanreeb ) Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa Al- Shabaab waxa ay ku qaaday deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in weerarkan uu socday wax ka badan saacad halkaas oo laga maqlayay hubka culus.

Halka uu weerarka ka dhacay waxaa ku suganaa ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland , lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta marisay xeradaasi, isla-markaana ay gubtay gaadiid dagaal oo yiilay saldhiggaas

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan weereerka kooxda Al – Shabaab ay ku qaadeen maanta deegaanka Baarsanguune ee gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al- Shabaab ayaa kordhiyay maalmahan weerarada ay ka fuliyaan deegaanada dalka gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Dhowaan ayey ahayd markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ay ku galeen saldhigga Janaay Cabdall oo u dhow Kismaayo, kaas oo ay ku dileen askar, kuna furteen hub iyo gaadiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.