Sharuud kale oo ku xiran in Laascanood xabad joojin ka dhaqan–gasho.

Sharuud kale oo ku xiran in Laascanood xabad joojin ka dhaqan–gasho.

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa  ka socday maalmihii la soo dhaafay , dadaalo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee ka safray magaalada Muqdisho.

Odayaashan dhaqanka ayaa magaalada Laascanood waxa ay kula kulmeen isimada Odayaasha gobolada Sool , sanaag & cayn oo ay kala hadleen xiisada ka  jirta magaalada Laasacnood.

Isimada SSC ayaa sheegay in dhankooda ay ogol yihiin in xabad joojin ay ka dhaqan gasho gobolada Sool iyo sanaag hase ahaatee loo baahan yahay in Somaliland ciidankeeda ay kala baxdo magaalada Laascanood.

‘’ waxaan diyaar u nahay dhankeena in aan soo dhaweyno dadaal kasta oo lagu xalinayo xiisada ka jira magaalada Laasacnood , wixii farsama ahna in laga wada-hadlo dhinicii kalena ay la aadaan” ayuu yiri Suldan Aw-Seed oo ku hadlayay afka garaadada SSC.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay rejaynayaa in ay  aadan dhanka Somaliland oo ay ka wada- hadlaan xaalada magaalada iyo in magaalada ay noqoto mid ka caagan dagaalada .

Dhanka Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay la aadi doonaan sharuudaha cusub dhanka Somaliland oo ay  filayaan in ay ku guulaystaan in xaalada la dejiyo oo ciidamada la kala qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.