Jabuuti (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta madaxtooyada dalkaas ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulankan madaxda Geelle iyo Madoobe ayaa diiradda waxa lagu saaray tageerada dhinacyada kala duwan ah ee dowladda Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada horumarka iyo amniga.
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulanka.
Dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisa booqashada ay ku joogaan dalka Jabuuti.
Leave a Reply