Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay howl-gal xooggan kula wareegeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeeya Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Sarkaal Shabaabka ah ee ciidamada huwanta gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in kooxda u qaabilsanaa deegaanka Baraag Sheekh Caamir, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali-gadiid.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilliga la qabanayay sarkaalkan ka tirsan uu raashin u waday xubno ka tirsan kooxda.
Ciidankaan oo ka baxay magaalada Masagawaa ayaa sii maray dhowr deegaano oo ay isaga carareen Ururka Al-Shabaab o horay u haaystay iyaga oo gaaray illaa deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.
Deegaannada kala ah Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa laga raacdeeyay Al-Shabaab, waxaana maanta ku sugan ciidamada dowladda iyo maleeshiyo deegaanka.
Deegaannadaan ayaa waxaa muddo dheer maamulayay malleeshiyada Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyay ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Intii uu socday howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar-gelinaya howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Shabeellaha Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceel-dheer oo Galgaduud ka tirsan.
Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere.
Leave a Reply