Sawirro: Wasiir fiqi oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socda maamul goboleeydyada

Sawirro: Wasiir fiqi oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socda maamul goboleeydyada

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uul mataleysay dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa mideynta qorshaha dadaallada xasillinta ee goobaha ay ka socdaan xorreynta Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan bilihii lasoo dhaafay dagaallo xooggan kula jirta Ururka Al-Shabaab ayadoo deegaano badan ka saartay.

Malleeshiyaad is abaabulay ayaa ka bar bar dagaallamaya ciidamada Dowladda kuwaasoo la magac baxay Macawiisley oo inta badan ka jira deegaannada Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.