Muxuu daarnaa kulanka Biden & dhiggiisa Shiinaha ?

Indonesia (Raxanreeb ) Madaxweyne  Joe Biden ayaa meesha ka  jiritaanka  dagaal qabow oo cusub oo dalkiisu la galo dalka  Shiinaha, kaddib kulan uu la yeeshay  dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne  Joe Biden inuusan aaminsaneyn in Shiinuhu uu xoog ku qabsan doono Taiwan.

Hadalkan ayaa  yimid markii Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia, halkaas oo shaley uu ka furmay Shirka Hoggaamiyeyaasha G20.

“Marar badan ayaan la kulmay Xi Jinping, wada hadallo furan ayaa ina dhexmaray, ma filayo in uu jiro isku day cad uu Shiinaha ku weerarayo Taiwan” ayuu yiri Biden.

Mareykanka ayaa Shiinaha u arka dal saamayn weyn ku leh Kuuriyada Waqooyi, isla-markaana uu yahay cidda keliya ee uu wax ka dhageysto Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga, Kim Jong-un.

Leave a Reply

Your email address will not be published.