Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka xaaskiisa oo maanta markale maxkamadda sare ee dalka kasoo muuqday.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka xaaskiisa oo maanta markale maxkamadda sare ee dalka kasoo muuqday.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga  kiiska uu ku eedeysan yahay Sayid-cali Macalin Daa’uud,  oo horey maxkamadda gobolka Banaadir ugu heshay in uu dab  qabadsiiyay uuna dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Sidoo kale, Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaana racfaan ka qaatay xukunno dil ah oo ay horey ugu rideen maxkamadaha gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana la filayaa in go’aanka ugu dambeeya ee kiiska Sayid-cali gaarto maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale, Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis oo aheyd xaaska Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa horey usoo dhaweeyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna aabahan sheegay in kaliya ku qanacsan yahay in ninkan loo toogto.

Ugudambeyn, qoyska Sayid-cali Macallin Daa’uud ayaa dhankooda caddaalad darro ku tilmaamay xukunka dilka ah oo horey loogu riday wiilkooda, waxa ayna sheegeen in Sayid-cali uusan kas u dilin xaaskiisa ayna u geeriyootay dab uu qabadsiinayay qolkiisa jiifka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.