Sayid Cali oo loo haysto dil xaaskiisa oo maxkamad ka soo muuqday.

Sayid Cali oo loo haysto dil xaaskiisa oo maxkamad ka soo muuqday.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Axad ah waxa markale Maxkamada  gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka soo muuqday eedaysane Sayid Cali oo loo haysto inuu nolosha ku gubay xaaskiisa Luul.

Sayid-Cali oo su’aallo lagu waydiiyay maxkamadda ayaa ka jawaabay arrimo ku  la xiriira kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed gudaha  iyo dibada ku nool.

Ehelada labada dhinac ayaa ku sugnaa maanta dhagaysiga maxkamada oo si toos ay loogu sii daynayay qaybaha warbaahinta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, isla markaana dabka uu qabad-siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.

Horay waxaa Sayid-Cali xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.