Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal ka fuliyay xaafado dhawr ah oo ka mid ah magaalada Muqdisho si amniga lagu sugo.
Degooyinka howlgalada ciidanka ay ka fuliyeen waxa ka mid ah degmooyin ka dhacee maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal amniga lidki ku ah.
Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda ayaa ka mid ah degmooyinka ciidanka ammaanka ay ka fuliyeen xaafadaha degmooyinkaas.
Inta uu howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli su’aallo weydiinayaan laamaha amniga.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgaladan ay socdeen muddo saacada ah kuwaas oo qayb ka ah sida ay hadalka u dhigeen , dadaalo ay ku xaqiijinayaan amniga.
Dadka ku nool degmooyinkaas ayaa sheegay in howlgaladan saamayn ay ku yeesheen , maadama la xiray intii ay sodeen goobo gacancsi iyo waddooyinka qaar ee degmooyinkaas.
Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, habeen kadib markii weeraro toos ah oo qaraxyo ku billowday ay Al-Shabaab ku qaadeen degma Kaxda, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.
Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo maalin kahor ka dhacay agagaarka isgoyska Ifka Xale ee Muqdisho.
Leave a Reply