Shabaab oo Taliye ciidan , Gudodomiye hore & askar ku laayay Bakool.

Shabaab oo Taliye ciidan , Gudodomiye hore & askar ku laayay Bakool.

Baydhabo (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo qarax lala eegtay maanta oo sabti ah.

Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in qarax ay ku dishay saraakiil muhiim ah kuwaas oo ku sugnaa deegaano ka mid ah gobolka Bakool.

Qaraxa Al Shabaab ayaa lagu dilay fulisay taliyihii Guutada 8-aad ciidanka xooga dalka Gaashanle Maxamed Dheere ,gudoomiyihii hore degmada Diinsoor  Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askar kale oo la socotay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Laftagareen ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid taliye Maxamed Dheere iyo xubnihii kale ee la socday ee maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.