Muqdisho (Raxanreeb)-Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay , dhulka ay ku aasan yihiin maydadka ee iskuul Buliziyo ee magaalada Muqdisho.
Madaxwayne Saciid DENI ayaa sheegay in la joojiyo in faagida qubaraaha isla markaana loo naxariisto dadka ehelkooda ay ku aasan yihiin qabuuraha la fagaayo ee magaalada Muqdisho.
“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan Baaq ugu dirayaa in loo naxariisto Dadka Ehelka Qabuuraha, Ee lasoo Faagay. Soomaaliya Maanta ma Qabto Baahi Qabuuro dhul oo qabuuro loo faago” Madaxwayne Saciid Deni.
Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in dowladu ay heli karto goobo kale oo laga dhisi karo saldhig ciidan hase ahaatee halkaas ay tahay meel dhibaato ay ka soo gaari karto dadka ehelkooda ku aasan.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaad ka hor waxa ay bilowday in la faago qubuuraha iskuul Bulisiyo ee magaalada Muqdisho , taas oo cara badan ay ka dhalatay.
Leave a Reply