Shabaab oo qaraxyo hurdada kaga toosiyay dadka MUQDISHO

Shabaab oo qaraxyo hurdada kaga toosiyay dadka MUQDISHO

Muqdisho (Raxanreeb ) Gaari nooca Laylacawaali Soomaalidu ay  u taqaano ayaa saaka  ku qarxay xaafadaha Ifka Xalane ee Muqdisho.

Goob ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in Gaariga uu soo istaagay markii hore ciidanka ayaa ku amray inuu istaago hase ahaatee taas ma aysan dhicin

Qofkii waday gaariga ayaa isku dayay inu ka gudbo isbaarada hase ahaatee waxyar ka dibna waa uu qarxay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Laamaha amniga ayaa soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay , halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal baaris ah , waxaana la sheegay in ciidanka ay isku balaariyeen xaafadaha Ifka Xalane .

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay falal amni darro oo saamayn ku yeelatay dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.