Sheekh Shariif oo ka xumaaday in khudbadiisa laga sii dayn waayo SNTV.

Sheekh Shariif oo ka xumaaday in khudbadiisa laga sii dayn waayo SNTV.

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah mudanayaasha Barlamaanka ayaa lahaa kulan ay uga doodeen wax ka bedelka Dastuurka oo in mudda ah doodiisu ay socotay.

Xubnaha hadal  jeedinta ka sameeyay Golaha waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna mudane ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka.

Khudbada Shariif ayaa la sheegay in laga baahin waayay Telefishanka Qaranka taas oo  siyaasiin badan ay sheegeen inay aad ugu xumaadeen talabadaas  ka dhanka ah Shariif.

Qoraal uu bogiisa Facebook u daabacay Shariif ayuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in TV- ga oo ah mid bulshada u adeegaya laga joojiyo khudbadiisa.

Waxa uu aad u dhaliilay sida loo diiday , baahinta aragtida uu ka qabo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya isagoo sheegay in arintaas  inuu ka hadlayo xaq u leeyahay.

HOOS KA AKHRISO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.