Shir hindisihiisu uu leeyahay MD Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu qabanayo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir guud kaas oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad- goboleedyada si looga hadlo geedi socodka Dowladninada uguba ah .

Shirkan oo la filayay in mar hore uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho , ayaa dib u dhaca keenay sabab la xiriita khilaafka xooggaan oo ka dhax jiray Dowladda iyo maamul- goboleedyada sida ay xaqiijinayaan xubno ka tirsan Dowladda.

Shirkan oo uu hindisihiisa lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Garoowe halkaas oo kulamo ay hore ay ugu yeesheen , Madaxwaynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida xog ay heshay RBC kadib markii Xasan Sheekh soo jeediyey, in lagu qabto shirkan magaalada Muqdisho ayaa la isku afgartay in uu ka qabsoomo caasimadda sida ay sheegeen dad ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyene Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in maalinta Salaasada ah ee 13 Sebtember, uu ka qayb-galaayo caleema saarka Madaxweynaha Kenya ee la doortey, kadib 17-19 Sebteembar, waxa uu u safrayaa dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa doonaya ka hor shirka golaha amaanka ee loo dhan yahay in u qabsoomo shirka ay isugu imaanayaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay iskula meel dhigaan xaaladaha jira iyo hagaajinta wada – shaqaynta.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.