Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay.

Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan waxa uu si rasmi ah ugu furmay Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.