Shirka madasha ee Dhuusmareeb ka fumaya, DENI maka qayb galayaa ?

Shirka madasha ee Dhuusmareeb ka fumaya, DENI maka qayb galayaa ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu wadaa in maalinta berito ah uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka.

Shirkan waxaa ka qayb-galaysa madaxda dowlad goboleedyada,  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho iyo raiisalwasaare Xamse Cabi Bare.

Shirka waxaa looga hadli-doona qodobada kala ah ,arimaha dibu xoraynta, dhamaystirka arimaha doorashooyinka iyo dayn cafinta.

Shirkan waxaa iclaamiyey Madaxwayne Xasan Sheekh oo   ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta galmudug.

Shirarkii kan ka horeeyay ma uusan ka qayb galin madaxda maamul goboleedka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladd dhexe ee Soomaaliya.

Si kastaba shirkan ayaa imaanaya , iyadoo aad loo hadal hayo , in magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug  ay ku kulmayaan Madaxwaynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.