Shirka madasha oo la isku mari- waayay qodobo xasaasi ahaa dartood.

Shirka madasha oo la isku mari- waayay qodobo xasaasi ahaa dartood.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maalintii labaad waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka madasha wadatashiga Qaran kaas oo ay ka qayb galayaa maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland.

Shirkan ayaa dood adag ka yeeshay waxa laga yeelayo doorashooyinka maamul goboleedyada iyo tan Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana xogo la helay ay sheegayaan in Madaxwayanaha uu furay hoggaamiyaasha inay qabtaan doorasho qo iyo cod ah.

Madaxda qaar sida Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday doorashadaas waxana uu ku adkaystay in doorasho dadban uu awoodo inuu qabto , hadii taas ay dhacaysana la siiyo muddo laba sanna ah.

Madaxwaynaha oo sheegay in uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah , ayaa isagana la sheegay inuu u sheegay hoggaamiyaasha shirka ka qayb galaya si taas ay u dhacdo in maamulada ay qabtaan nooca doorasho ee qof iyo cod.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan madaxda ayaa isla meel dhigay in doorashooyinka hanaanka loo qabanayo lagu wareejiyo guddiyada doorashooyinka heer federaalk iyo heer maamul goboleed.

Madaxda maamulada ayaa waxaa ka idlaaday muddo sannad ah oo loogu daray shirkii hore, waxa ayna hadda rabaan in mar kale loogu daro labo sanno oo kale ama ay qabsadaan doorasho dadban

Waxaa si weyn looga dhursugayaa go’aanka ugu dambeeya ee kasoo bixi doona shirkan Muqdisho uga socda Golaha Watashiga Qaran, waxaana la ogaan doonaa in doorasho ka dhici doonto maamul goboleedyada ama loo sameyn doono muddo kororsi .

Leave a Reply

Your email address will not be published.