Siciid Deni oo kulamo kawada magaaladda Addis Ababa

Siciid Deni oo kulamo kawada magaaladda Addis Ababa

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo ka soo laabtay safarkiisi waddanka Imaaraatiga Carbeed ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ku booqanayo askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad.

Madaxweynaha Puntland oo mudda 9 cisho ah joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi kula soo kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo isku dayay in ay dhex-dhexaadiyaan labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia, balse isku daygaasi uu fashil ku dhammaaday.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa markii uu ku laabto Boosaaso in uu qaabilo wefdi ka socda dowladda Maraykanka oo ay hoggaaminayaan Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, oo uu kala Shirayo La-dagaallanka kooxaha Daacish& Al-shabaab iyo qodoba kale oo muhiim ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.