Maxkamada gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay nin xaaskiisa gubay.

Maxkamada gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay nin xaaskiisa gubay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay danbi ah in uu Xaaskiisa Nolosha ku gubay.

Waxaa hoolka maxkamada ku sugan ehelada Marxuumad Luul C/casiis iyo eedeysane Siid Cali, sidoo kale dadweyne fara badan oo kiiskan daneynaya ayaa jooga Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ka dib markhaatiyaal iyo cadeymo la hor keenay Maxkamada lagu xukumay Sayid-cali Macalin Daa’uud dil toogasho ka dib markii lagu helay inuu si ulakac ah u gubay xaaskiisa.

Kiiskan oo aad loo sugayay ayaa maxkamadda horay waxay uga soo yeelatay laba fadhi oo dood adag ah.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana lala sugayay cadaaladda iyo xukanka ay ridday maanta maxkamadda gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.