Sidee Baydhabo loogu dareemayaa shirka madasha-Wadatashiga Qaran ?

Sidee Baydhabo loogu dareemayaa shirka madasha-Wadatashiga Qaran ?

Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa  lagu wadaa in lagu qabto shirka madasah wada- tashiga Qaran ee madaxda Dowladda iyo maamul- goboleedyada dalka

Shirkan waxaa  lagu wadaa in diirada lagu saaro sii ambaqaadida qodobadii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyay ee ay wada- gaareen  xubnaha madasha wada-tashiga qaran.

Inta badan madaxda ayaa xaadiri doonta shirkan waxaana  shir guddoomin doona Madaxwaynaha Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud

Qaban qaabada shirkan ayaa ka jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , halkaas oo  maamulka Koonfur Galbeed uu diirada saarayo sugida sida ay sheegeen  saraakiil halkaas ku sugan.

Madaxwayaasha maamulka Goboleedyada ,  sida Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor , Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe , kan Jubbaland , Axmed Maxamed islaam Madoobe ayaa xaadir ahaan doona shirkan.

Gaba gabada shirka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo dhawr ah oo la xiriira xaaladda dalka ,  iyo waliba  iskaashiga maamul goboleedyada ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.