Mambasa (Raxanreeb) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku qabsoomay shir looga hadlayay arrimaha amniga wadamada Bariga Afrika , kaas oo ay ka qayb galeen dalal ay ku jirto Soomaaliya.
Waxa uu ka dhacay shirkan magaalada Mambasa ee dalka Kenya halkaas oo xubnaha ay isku waydaarsadeen xogaha la xiriira arrimaha amniga Qaaradda.
Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wadamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.
Madaxda sirdoonka dalalka gobolka ayaa qorsheynaya in la gaaro Bariga Afrika oo nabad ah, kana caagan wax kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida umadaha ku nool.
Xiligaan waxaa gobolka ka taagan xiisad xasaasi ah oo Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo salka ku heysa damaca guracan ee Itoobiya ay ku soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.
Si kastaba Somaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka jiraan dhibaatooyin xaga amniga ah oo ay salka ku hayso dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al- Shabaab oo xitaa weeraro ka fuliyay wadamada gobolka.
Leave a Reply