Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarun ciidan oo ku taalla gudaha madaxtooyada Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarun ciidan oo ku taalla gudaha madaxtooyada Qaranka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo lagu sameeyay Taliska Guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee 77 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee dib loo dhisay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin xafiisyada Taliska Guutada, Taliska Ururada, Isbitaalka, Xabsiga iyo Masaajidka Guutada, isaga oo bogaadiyey heerka tayada leh ee loo fuliyey dib u dhiska iyo sida loo xoojiyey hannaanka shaqo iyo adeegyada Taliska iyo Ciidanka Guutada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u dul istaagay goob lagu maamuusay xusuusta saraakiishii iyo askartii Guutada 77 uga shahiiday dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo Masjidka Taliska Guutada oo loogu magac daray Halyeey Maxamed Xayle oo ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarihta, tallaabadaasi oo astaan u ah qaddarinta geesiyaasha naftooda u huray difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Taliska iyo Ciidamada Guutada sida hufan ee ay u guteen waajibaadka qaran ee ka saaran xaqiijinta amniga Madaxtooyada iyo ilaalinta madaxda Qaranka, tan iyo markii ay si buuxda ula wareegeen masuuliyaddaas, kaddib bixitaankii ciidamadii ATMIS ee hore u hayey hawshaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.