“Somali heshiis ah ‘’ -Halku dheggii MW Xasan xaguu ku dambeeyay ?.

“Somali heshiis ah ‘’ -Halku dheggii MW Xasan xaguu ku dambeeyay ?.

Muqdisho (Raxanreeb )-Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ololahiisa waxa uu  ku galay hal dhig ahaa Soomaali Heshiis ah dunidana la heshiis ah.

Hal 0 ku dhigaas ka dib waxa la sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya uusan ka dhabayn arintaas taas bedelkeedana dadka ay kala fogaadeen aysan jirin wax heshiis ah.

Hadaba aan dib u eegno hal- ku dhigiisa  iyo halka uu ku danbeeyay :

1. 15May2022, habeenkii la doortay Mweyne Xasan wuxuu dagaal kula jiray dawladii asaga ka horeysay ee N&N. Weli waa uu la dirirsanyahay oo lama uu heshiin!

2. 15May2022 wuxuu heshiis la ahaa Midowgii Musharaxiinta, qaar kamida ahaa siyaasiyiin kale iyo qaar kamid ahaa madaxdii gobolada. Maanta intooda badan waa uu la dirirsanyahay.

3. Isku dayga kaliya ee uu sameeyay si uu mucaarad ula heshiiyo wuxuu ku koobay laba siyaasi oo ay jufa hoosaad wadaagaan: Muuse Suudi iyo Sh. Shariif. Labadiina kuma uu guulaysan.

4. Talaabadan dambe waxay dhabaha u xaari doontaa inuu lumiyo saaxiibo badan oo reeraha kale ka soo jeeda oo u arki doona odaga nin siyaasadiisu jufanimo ku Ahmed Ali Hilowle ijoojin-maayadii” odagii ka horeeyay eersaday ee dibad wareega ka dhigtay!

5. Waxaa dhamaaday labadii sano ee is tustuska. Waxaana bilowday labadii sano ee doorasho hadal haynta ahayd, labadaas sano oo caadi ahaan aynu ku naqaano kala furfurashada kooxda dawlada taageera. Qaar hada xilalkii laga qaaday iyo, qaar og in laga qaadi doono aya mucaaradka biirin doona.

6. Afarta Maamul goboleed ee ku madlan inay doorasho qabtaan November 2024 aya isku diyaarinaya mudo kororsi kale ama inay qabtaan doorasho ay ayagu maamulayaan si ay dib ugu soo noqdaan. Halkaasna khilaaf cusub aya ka dilaaci doona.

Mashruucii “Somali heshiis ah…” wuxuu ku dambayn doonaa fashil iyo meeshii ay ku dambeeyeen mashaariicdii kale ee arimaha guduhu. Sida dagaalkii AS iyo la dagaalankii musuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.