Somaliland ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka bilawday Laascaanood

Laascanood (Raxanreeb )  saaka  subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada  Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad  diidka ah ee ku sugan Magaalada.

Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay
weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, 

wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.